Ciidamo Kenyaan ah oo lagu weeraray deegaanka Qorof Xaraar.

Tuesday November 29, 2022 - 07:04:07
MeMO Staff
Xoogag jihaadi ah ayaa markale weerar culus ku qaaday deegaan katirsan gobolka Mandheera ee dhulka Soomaalida NFD.
Wararka ka imaanaya deegaanka Qorof Xaraar ayaa sheegaya in weerar gaadma ah lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Booliska dowladda Kenya.

Al-Shabaab ayaa dhawaanahan dhulka Soomaalida NFD ka wada howlgallo ay ku beegsanayaan ciidamada dowlada Kenya ee halkaas ku leh fariisimaha malateri.

29 bishan aynu ku jirno ee November ayey ahayd markii weerar xoogan lagu qaaday saldhig askarta Kenya ay ku leeyihiin gobolka Mandheera ee dhulka NFD.

Related Items