Mas'uul katirsan maamulka gobolka Banaadir oo qarax ka badbaaday.

Tuesday November 29, 2022 - 16:15:56
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo magaalada Muqdisho lagula beegsaday gaari uu watay mas'uul katirsan maamulka gobolka Banaadir.
Ibraahim Muxiyadiin Mocoow oo ah xoghayaha maamulka degmada Kaxda ayaa si dirqi ah uga badbaaday qarax gaarigiisa lala beegsaday.

Sida ay wararku sheegayaan qaraxa ayaa haleelay nuuca raaxada ah oo uu la socday xoghayaha maamulka degmada Kaxda balse waxaa badbaaday dhammaan dadkii gaariga la socday.

Dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay kusii badanayay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Related Items