Maleeshiyo beeleed dad ku dilay deegaanno katirsan Sh/dhexe iyo Galgaduud.

Tuesday November 29, 2022 - 16:20:22
Liibaan Jeexoow
Maleeshiyo beeleedyo hubaysan ayaa dad shacab ah ku dilay deegaanno katirsan gobollada Sh/dhexe iyo Galguduud ee dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Warshiikh ee Sh/dhexe ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay toogasho ku dilleen 5 ruux oo dhammaantood hal qoys kasoo wada jeeday.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta usheegay in maleeshiyaadkii xasuuqa geysatay ay ubaxsadeen dhanka degmada Cadale oo ay ku suganyihiin mas'uuliyiin katirsan DF-ka.

Dhinaca kale weerar ka dhacay deegaanka Dacdheer ee gobolka Galguduud ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 2 qof rayid ah, maleeshiyo beeleed hubaysan ayaa la sheegay in dadka ay laayeen xilli ay hurdayeen.

Colaadda udhaxaysa beelaha Soomaalida ayaa sii xoogeystay tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh dhisay maleeshiyaadka Macaawisleyda mooryaanta ah ee caanka ku ah gabood fallada ka dhanka ah shacabka.

Related Items