Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii Madaxtooyada iyo duullaanka lagusoo qaaday Wilaayaatka [Dhageyso].

Tuesday November 29, 2022 - 20:53:26
Liibaan Jeexoow
Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage, [Sheekh Cali Dheere] ayaa jeediyey kalmad kooban oo ku saabsan weerarkii qaatay 24ka saacadood ee ay ciidankooda ku qaadeen madaxtooyada Soomaaliya iyo dhismaha Villa Rossa, isagoona sheegay in ay weerarkaas ku dileen madax ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo askar.
"Weeraradaas jihaadiga ah ayaa beegsaday qeybta bari ee Madaxtooyada oo ay ku yaallaan buul-shimbireedyo ay ku dhuumaalaystaan mujrimiinta ugu waaweyn madaxda ridada ah, Allaah fadligii wuxuu hawlgalkan u dhacay qaabkii loo qorsheeyay kadib sahan iyo qiimeyn uu sameeyay jihaazka amniga ee XSHM” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Allaah subxaanahu watacaalaa ayaa mujaahidiintii weerarka qaaday ka indha-saabay indhaha cadawga waxayna ka tallaabeen dhamaan jid-gooyooyinka faraha badnaa ee ay murtaddiintu dhigeen wadooyinka Muqdisho, sidaasina waxay ku gaareen goobihii bartilmaameedka ahaa, kadib-na waxay billaabeen iney la xisaabtamaan madaxdii iyo saraakiishii murtaddiinta ee goobahaasi ku sugnaa”

Wuxuu sheegay inay weerarkaas ku dileen 52 ruux, kuna dhaawaceen 39 kale, ayna dadka waxyeeladu soo gaartay ku jiraan waziiro, waziir ku xigeeno, waziiru dowleyaal iyo agaasimeyaal wazaaradeed.

Wuxuu soo hadal qaaday hadalkii dhawaan kasoo yeeray qaar ka mid ah madaxda DF ee u doodayey ansixinta xeerka Jinsiga waxaana uu sheegay in dadka noocaasi ay yihiin kuwa ay la dagaalameyso Xarakada ee ay hubka u qaateen.

Wuxuu yiri: "Isku dayga ah in Soomaaliya laga hirgaliyo dhaqamada qowmuluudka ayaa wuxuu xooggiisu soo billowday afartii sano ee hore ee uu Xassan Sheekh odayga u ahaa dowladda ridada. Waxay in badan dadku la socdeen safarkii Aadan Madoobe oo ah gudoomiyaha dhawaaqiidu uu bishii october ku tegay dalka Holand kulana soo kulmay, heshiisyana ugu soo saxiixay hey’adaha qowmuluudka faafiya. Hadda waxay xaaladdu mareysaa in dad mas’uuliyad sheeganaya ay si calan ah ugu hanjabaan in la ansixiyo xeerkaas sheydaan”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu soo hadal qaaday dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday Sh/dhexe, waxaana uu sheegay in ciidanka DFS goobaha ay tageen todobaadyadii ugu dambeeyey ay ka huriyeen colaad beeleedyo, ayna iska hor keeneen qabaa’ilka Soomaaliyeed.

"Kooxda ridadu waxay saan horey u sheegnayba billaabeen isku dirka qabaa’ilka iyo jufooyinka walaalaha ah, tuulooyinka ay tageen ee wilaayada Shabeelaha dhexe waxay ka abuureen colaad qabiil oo dhibaato u horseeday bulshada kadib markii ay nacaraatkii jaahiliga soo nooleeyeen, hub iyo rasaasna isugu dhiibeen, degaanadaas ayaa ahaa kuwa xasilloon oo looga dhaqmo shareecada islaamka, halka ay beeluhu ku diriraana waxay ahayd meelaha ay ka joogaan Sh/dhexe sida degmada Cadalle iyo nawaaxigeeda” ayuu yiri.

Related Items