Waziirka Aminga gudaha Soomaaliya oo dhaawiciisa dalka dibaddiisa loo qaaday.

Wednesday November 30, 2022 - 07:09:17
MeMO Staff
Wsiirka Amniga gudaha Soomaaliya Dr Doodishe ayaa laga qaaday magaalada caasimada ah ee Muqdisho isagoona loola cararay dhankaas iyo dalka Turkiga si loogu soo dabiibo dhaawicii kasoo gaaray Hotel Villa Rose.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Doodishe dhaawiciisa uu yahay mid aad u daran balse laga qarinayo warbaahinta.

Ninkan ayaa intii uu socday weerarkii Xarakada Al-Shabaab ay ku qaaday hotel Villa Rosa wuxuu iskasoo tuuray dabaqa sare ee dhismaha isagoona ay waxyeelo kasoo gaareen lugta bidix  sida ay sheegeen rag isaga ka ag dhawaa xilliga dhacdada.

Waxaana tan iyo weerarka dhaawiciisa lagu hayey isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayey.

Balse xaaladiisa caafimaad oo kasoo dartay awgii waxaa ugu dambeyn la doorbiday in Doodishe la geeyo meel wadanka ka baxsan si wax looga soo qabso xaaladiisa caafimaad.

Related Items