Mareykanka oo hub casri ah ka iibinaya dowladda Qadar.

Wednesday November 30, 2022 - 07:12:56
MeMO Staff
Wasaaradda difaaca Mareykanka Pentagon ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Wasaaraddu ay ansixisay in laga iibin karo Qatar qalab milateri oo lagu qiyaasay hal bilyan oo dollar oo ay ku jiraan hababka lidka diyaaradaha.
Mareykanka ayaa sheegay in arrinkan uu wax tar u leeyahay ammaanka dalka Qatar maadaama hada ay iskugu yimideen malaayiin dad ah oo ka kala tageen daafaha caalamka.

Saxiixan ayey Dooxa u aragtaa fursad ballaaran oo uga timid dhanka Washington, waxaana durbadiiba si buuxa u aqbalay hay'ada difaaca qaranka Qatar.

Dowladda Qadar iyo dalalka kale oo ku yaalla gacanka Carabta ayaa daandaansi kala kulma dalka Iran iyo xulafadeeda, xukuumadda Dooxa ayaa saldhig weyn oo muslimiinta looga duulo siisay dowladda Mareykanka.

Wali lama shaacin xilliga rasmiga ah ee ay Qadar lasoo wareegi doonto agabkaan Malatari si ay u sii adkeyso ammaanka dalkeeda.

Related Items