SOMALILAND: Mas'uul meel fagaare ah ka shaaciyay furista goobo ganacsi oo Khamriga lagu gedi doono

Wednesday November 30, 2022 - 09:33:23
Liibaan Jeexoow
CabdiShakuur Maxamuud Xasan oo loo garan ogyahay CIDIN, ahna maayirka magaalada Berbera ayaa meel fagaare ah kaga dhawaaqay arrin aan laga filayn oo fajaciso iyo amakaag ku noqotay bulshada, kana soo hor-jeedda dhaqankeena suuban ee Islaamka.
Maayir Cidin ayaa si dhiiran oo kalsooniya ugu carabaabay dadweyne fara badan oo dhagaysanaayay in Berbera noqon doonto sidii ay ahaan jirtay waayadii hore oo laga furi doono goobo ganacsi oo khamriga lagu iibiyo.

Arrintan ayaa duqa magaaladu kaga dhawaaqay xaflad balaadhan oo lagu daah-furay buug uu qoray Abwaan Axmed Aw-Geeddi, oo habeennimadii isniintu soo galaysay ee todobaadkan ka qabsoontay magaalo-marsada Berbera.

Buuggan oo ka hadlaaya Taariikhdii Berbera & Tixihii Abwaan Cali Jaamac Haabiil, ayaa loogu wan-qalay "HORTAY JIRE”. Waxaana ban-dhiggaasi ka qayb-galay dadweyne fara badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada.

Duqa oo food-saaro ka dhiganaaya kuna af-gobaadsanaya, horumar dhanka dhaqaalaha ah oo uu sheegay in magaaladu ay cagta saartay, nolosheeduna isbedelayso ayaa yidhi "Dhalinyaradaan la hadlayaa, aqoonyahanka reer Berberaan la hadlayaan, in badanna waan idin idhaahdaa, waaxaan idiin sheegayaa magaaladan nolosheedu way isbedelaysaa…”

Waxaanu maayirku intaa sii raaciyey "Magaaladani saansaanteedii oo horumara, oo aynu imika hor-dhaceedii aragno, ayaa ina dul-yaalla. Halkaa warshad baa imika ka furan, Warshaddii kalluunka, Warshaddii daqiiqdaa ka furan, Warshaddii sibidhkaa la wadaa, Warshad kaloo sibidh baa la dhisayaa, Free zone-kiibaa la furayaa, dekeddiibaa la balaadhinayaa…..”

Cidin ayaa isagoo dhalinyarada kula dardaarmaya inay ilbax iska dhigaan oo ay la jaan-qaadaan isbedellada inagu soo fool leh, waxa uu yidhi "Waxa la doonayaa inaynu la jaan-qaadno isbeddel dhaqan-dhaqaallaa imanaya, hadda maaha dhaqaalaha hantida oo kaliyoo isbedesha, xattaa dhaqankeenaa isbedelaya, ee hadda diinta hala adkaysto. Waayo, ajanabibaa inoo imanaya Berberaawiyiintii hore uunbaa garanaya, Berberaawiyiintan dambe garan maayaane, iyadoo suuqaa Berbera khamriga lagu iibiya oo ay tukaamo ka furan yihiin baa shalay ahayd…!!”
 
"Ilbaxnimada doonaynee raadinayno, ayaa waxay leedahay inay tukaamo aan maanta ka furnayn, berrito ka furmaan, oo bulsho kalaa imanaysa. Markaa waa in aynu la jaan-qaadnaa. Diinteena waxa hoos u dhiganayana iska ilaalinaa, horumarkaana la jaan-qaadnaa, isu diyaarinaa inaynu hoggaamino horumarka…” Ayuu yidhi C/Shakuur Cidin, maayirka magaalada Berbera.

Dhanka kale, mukhaadaraadka oo mamnuuc ka ah dalka ayaa si dadban oon xad lahayn u soo gala. Gaar ahaan Khamriga iyo Xashiishadda oo kuwa ugu badan, ayaa beryahan dambe fara baas ku haya da’ yarta dalka rag iyo dumar, gaar ahaan ardayda waxbarashada u aada dugsiyada iyo jaamacadaha dalka.

Hoggaanka Hawlaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Ibraahim Xaaji-Cabdi Maxamuud ayaa dhawaan isagoo soo bandhigaya tirada dambiyada mukhaadaraadka waxa uu yidhi "Madaxweyne mukhaadaraadka sanadkan Booliisku qabtay. Marka Khamrigu ugu horeeyo waa 70,065 Litir. Xashiishaddana waxaa la qabtay 75.5 Kiiloo. Dadka lagu eedeeyey ee loo qabtayna waa 94 Qof. Gaadiidka la qabtay isna waa 51 Baabuur...”

Xaddiga uu sarkaalkani ka dhawaajiyey ayaa aad u yar, marka loo eego baaxadda qul-qulka mukhaadaraadka, gaar ahaan khamriga iyo xashiishadda oo halkii ugu saraysay maraaya, gaadhayna heer mas’uul xil culus ka haya dalka uu ku dhiirado oo madal il-yartu isqabatay ka shaaciyo in dalka dhawaan laga furi doono, goobo ganacsi oo Khamriga lagu gado.

Sidoo kale waxaa iyaduna jirta oo si xawliya dalka ugu faaftay aafada khariban ee reer Qoomu-luud. Taas oo maraysa heerkii ugu yalaalugada badnaa. Waxaana bilahan u dambeeyey oo kaliya lagu eedeeyay dhawr boqol oo qof oo qaarkood gacanta lagu dhigay, inta kalena lagu raad joogo.

Kuwaas oo ay ku jiraan dad caan ka ah dalka, sida Siyaasiyiin, Saxafiyiin, Saraakiil Ciidan, Suugaanyahanno, Garsooreyaal, Garyaqaanno iyo Xildhibaanno. Waxaanay wararkii ugu dambeeyey tibaaxayaan in khaniisyada qaarkood laga hayo muuqaallo laga duubay.

Related Items