Weeraro Askar lagu dilay oo ka dhacay Masaajid Caliguduud iyo Dharkeynleey.

Wednesday November 30, 2022 - 12:07:31
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo askar lagu dilay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Banaadir iyo Sh/dhexe.
Wararka ka imaanaya deegaanka Burdacaar ee duleedka degmada Masaajid Caligaduud ayaa sheegaya in weerar shalay halkaas ka dhacay lagu dilay 1 askari oo katirsanaa ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Gorgor loo yaqaan.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag jihaadi ah ay weerarka Burdacaar ku furteen 2 qori Ak47 ah iyo Mooto ay wateen ciidamada dowladda.

Dhinaca kale rag hubaysan ayaa xaafaddda Tabakaayo Madoow ku dilay askari katirsanaa ciidamada booliska dowladda Federaalka.

Mas'uuliyadda weeraradan waxaa sheegtay Al Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.

Related Items