Halkan ka dhageyso Nabadoon Max'med Saciid Jimcaale oo akhrinaya bayaanka MP3
Hoos ka akhriso qodobadii lagu heshiiyay
بسم الله الرحمن الرحيم
Taariikh:28 Jamadul Awal 1444 Hijri.(22/12/2022)
Ujeedo: Hishiis dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo BeeshaReer XaajiSaleebaan.
Kadib shirar iyo kulamo dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo odayaasha dhaqanka beesha Reer XaajiSaleebaan, kulamadaas oo ka dhacay degmada Xaradhereere, socdayna muddo toban maalmood ah, laga billaabo 18 Jamaadul Awal ilaa 28 Jamaadul Awal 1444 Hijri. Waxay labada dhinac ku hishiiyeen qodobada soo socda:
Qodabada heshiiska:
1: Waa in ku dhaqanka Shareecada Islaamka laga hirgeliyodeegaanada beesha Reer XaajiSaleebaan, fulinta arinkaasna ay beeshu kaalinteedana ka qaadataa.
2: Waa in beesha Reer XaajiSaleebaan ay iska fogeysaa,berinaka noqotaa, aysana la shaqaynin cadawga shereeco la dirirka ah, sida gaalada saliibiyiinta ah, murtadiinta iyo mushrikiinta.
3: Waa in beesha Reer XaajiSaleebaan ay safka cadawga ka saartaa dhamaan dadkeeda, gaadiidkeeda iyo hubkeeda nooc walba oo uu yahay.
4: Waa in beesha Reer XaajiSaleebaan aysan deegaanadeeda u ogolaanin qabiil dullaan ku ah ku dhaqanka shereecada Islaamka iyo nidaamka Wilaayaatka Islaamiga.
5: Waa in Xarakadu ay beesha ku wareejiso dhamaan maxaabiista ka dhashay beeshaas, tiradooduna tahay 67 qofood kuwaas oo kujira gacanta Xarakada.
6: Waa in beesha loo fasaxo dhamaan gaadiidka iyo ganacsiga laga xayiray dagaalkii dhacay kadib.
7: Waxaa ka mamnuuc ah in hub lagu dhex-qaato degaanada beesha loo fasaxay.
8: Cid waliba oo gacansiisa ama qarisa cadowga Muslimiinta waxuu ku xukun noqonayaa lana mid noqnayaa cadowgaas.
Deegaanada loo fasaxayo beesha iyo shuruudaha ku xiran:
Dadka deegaanadaas loo fasaxay waxaa laga rabaa inay fuliyaanarrimaha soo socda;-
1: Waa in dadka deegaanadu amniga kala shaqeeyaan wilaayada Islaamiga ah.
2: Waa in la ilaaliyo bad-qabka dhulka lagana hortago xaalufinta deegaanka.
3: Waa in deegaanadu u hogaansamaan awaamirta wilaayaada islaamiga ah.
4: Waa in aan dhulka lafasaxay lagu dhibaateynin Mujaahidiinta, ayna marikaraan meshey donaan.
5: Wixii meshaas Mujaahidiinta loogu geysto - aan aheyn ciidan duullaan ah – masuuliyadeeda beesha ayaa qaadeysa.
6: Waa inay ilaaliyaan deris-wanaaga beelaha ey walaalaha yihiin
7: Waa in ey ka fogaadaan xarumaha cadawgu degan yahay.
FG: Mudada heshiiska lagu dhaqan gelinayo waa 7 maalmood o ka bilabaneysa maalinta la saxiixay malinta ka danbeysa .
Saxiixa beeshaReer Xaaji Saleebaan:
1- Nabadoon Cumar Maxamed Jimcaale(Faniinto)
2- Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle-
3- Nabadoon Sugaal Warsame Cali
4- Nabadoon Cabdinuur Axmed Faarax
5- Nabadoon Cali Nuur Bootaan Kulmiye
6- Nabadoon Maxamad Cali Aadan
7- Nabadoon Axmed Maxamuud(Foolfooley)
8- Nabadoon Maxmed Saciid Jimcaale
9- Nabadoon Guray Cabdulle Axmed
10- Nabadoon Cabdi Daahir Maxumud
11- Nabadoon Cali Saciid Axmed Rooble
12- Nabadoon CiiseCali Aadan
13- Nabadoon Cali Cumar Maxamed
14- Nabadoon Axmed Macalin Xasan
Saxiixa Wakiillada Xarakada:
1- Sheekh Cabdullahi Abu Khalid (Waaliga Galguduud)
2- Sheekh Xassan Abu Xamza (Waaliga Mudug)
وبالله التوفيق