Dhageyso: Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay heshiiskii dhexmaray Al-Shabaab iyo Beesha Saleebaan

7183
MeMO Staff
Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage, [Sh. Cali Dheere] ayaa shirjaraa'id oo uu qabtay uga hadlay heshiiskii magaalada Xarardheere ku dhexmaray Xarakada iyo beesha Saleebaan, ee lagu xaliyey colaadii ka dhex aloosneyd beesha iyo Xarakada.

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xarigii ay DFS kula kacday qaar ka mid ah odayaashii beesha Saleebaan usoo saxiixay heshiiskaas, kuwaas oo maanta lagu xiray magaalada Cadaado loona qaaday Dhuusamareeb.

DFS ayaa sheegtay in heshiiskaas uu buriyey go'aankoodii ahaa in aanan la tacaamuli karin Al-Shabaab, waxayna sheegeen inay talaabo ka qaadayaan odayaashaas, balse odayaasha la xiray oo saameyn ku leh beesha, waxaa lagu wadaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo daayo odayaashaasi.

Related Items

Update cookies preferences