Cali Jeyte oo Diiday in uu u Hoggaansamo Amar Kasoo Baxay Maamulka 'Hirshabelle'.

Monday January 09, 2023 - 08:15:02
MeMO Staff
Ismariwaaga udhaxeeyay mas'uuliyiinta maamulka Hirshabeelle iyo Cali Jeyte Cusmaan ayaa gaaray meeshiisi ugu sarraysay xilli maleeshiyaadka Macaawisleyda ay wajahayaan cadaadis melleteri.
Xilka qaadis iyo magacaabis uu sameeyay Cabdi Daahir Guurre oo ah wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle waxaa kasoo horjeestay Cali Jeyte oo ku magacaaban guddoomiyaha Hiiraan.

Jeyte ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Beledweyne wuxuu ku sheegay in uu kasoo horjeedo xilka qaadis lagu sameeyay guddoomiyaha deegaanka Halgan ee Bariga Hiiraan.

"Anigoo wajibaadkeeyga shaqo ee dastuuriga ah Gudanayo waxaan beeninayaa inaan waxbo kala socon sidoo kalane aan soo-jeedin ka sameeyn Xilka qaadista iyo magacaabista uu sameeyey wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle Cabdi Daahir Guure (karoore) ee Maamulka D/Halgan ee Gobalka Hiiraan” ayuu yiri Cali Jeyte.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa intaas ku daraya in magacaabista iyo xilka qaadista xilligan lagusoo beegay aysan ka socan doonin gobolka, ninkan oo dadaal dheeraad ah ugu jira sidii uu gooni isaga taagi lahaa maamulka xaruntiisu tahay Jowhar ayaa lasaadaalinayaa in uu xiriir lasameyn doono maamulka 'Galmudug'

Related Items

Update cookies preferences