Magaalada Baydhabo waxaa ka socda qaban qaabada shir lagu dhax dhaxaadinayo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Warsaxaafadeed ay magaalada Muqdisho kasoo saareen siyaasiyiinta isugu yeeray badbaada Koonfur galbeed ayay ku sheegeen in ay uga walaacsanyihiin ammaankooda haddii ay ka qeyb galaan shirka uu ku baaqay Cabdicasiis Laftagareen.
Waxay sheegeen in ladiiday dalabkoodi ahaa in ciidamada taabacsan Laftagareen laga qaado dhammaan koontaroollada lagasoo galo garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo islamarkaana lagu bedelo kuwa Itoobiya ee huwan shaatiga ATMIS.
Siyaasiyiintan dabadhilifyada ah ayaa ka codsaday Sheekh Aadan Madoobe guddoomiyaha baarlamaanka in uu wax ka qabto walaacoodka dhanka amniga ah.
Iska hor'imaadyo hubaysan oo bishii lasoo dhaafay magaalada Baydhabo ku dhaxmaray mucaaradka iyo ciidamada maamulka Laftagareen ayaa sababay dhimashada 10 ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad shacab ah intaba.