Taliyaha guutada 5aad oo isku day dil ka badbaaday kadib qarax lagu beegsaday gaarigiisa [Warbixin].

Thursday January 19, 2023 - 07:41:16
MeMO Staff
Waxaa habeenkii xalay gobolka Banaadir ka dhacay howlgalay Al-Shabaab ku beegsadeen sarkaal iyo ciidamo katirsan dowladda Federaalka.
Wararka laga helayo deegaanka Weydoow ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogag jihaadi ah ay qarax la eegteen gaari nuuciisu ahaa Cabdi Bile kaasi oo uu lahaa taliyaha guutada 7-aad ee maleeshiyaatka DF ninka lagu magacaabo Axmed Gaashaan.

Wararka aynu heleyno ayaa xaqiijinaya in xilligii gaariga qaraxa lala beegsanayay uusan taliyuhu saarnayn balse waxaa qaraxa ku dhintay illaa 4 askari oo kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee taliye Axmed Gaashaan.

Askarta dhimatay waxaa kamid ah xoghayaha taliyaha Guutada 7-aad ee maleeshiyaatka DF.

Waxaana goobta ku dhaawacmay ilaa 2 askari oo ka tirsan ciidamada DF.

Related Items

Update cookies preferences