Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere ayaa kalmad uu jeediyey kaga hadlay weerarkii aroornimo ee saaka ciidankooda cagta ku mariyeen maleeshiyaatkii dowladda ee ku sugnaa degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkaas
lagu bartilmaameedsaday ciidanka uu Mareykanku tababaray ee Danab iyo
kuwa uu Turkigu tababaray ee Gorgor, xillii ay dusha sare ka
ilaalinayeen diyaaradaha Mareykanka Laakiin aysan taasi hor istaagin
weeraradooda.
Wuxuu tilmaamay inay weerarkaas ku dileen 159 askari, kuna qabsadeen gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa 45 gaari, isagoo intaas raaciyey inay gacanta ku dhigeen hub, rasaas iyo saanad ciidan oo aad u xoogan.
"Waxay isku hallaynayeen diyaaradaha Maraykanka oo 24 saac korka ka ilaalinayay, balse libaaxyada Tawxiidku uma joojin, oo diyaaradihii oo taagan ayay fooda geliyeen cadawga. Markii cadawgii la jebiyay, ayna kala firxadeen, diyaaradihii waxay kala garan waayeen ciidamadii Mujaahidiinta iyo kuwoodii murtadiinta ahaa, waxayna duqayn ku billaabeen murtadiintii firxadka ahayd iyo xeradii oo ay ku hareen gaadiid yar oo baaqi ka ahaa kuwii tirada badnaa ee ay Mujahidiintu ka qaniimaysteen xerada” ayuu yiri.
Wuxuu bogaadiyey ciidanka fuliyey howlgalkaas, wuxuuna yiri: "Waxaan mar kale u mahadcelinaynaa Allaah subxaanahu watacaalaa. Kadibna ciidamadii Mujaahidiinta ahaa ee hawlgalkaas fariidka ah iyo kuwii kahoreeyayba fuliyay. Waxaan leenahay Allaah isku dhul-dhiga, ka bari noqda awoodiina iyo hubkiina, Ilaahay isku dhiiba, asagana talada saarta.
Wax badan baad raadinayseen madaxyaweynta murtadiinta ee xeryaha Muqdisho iyo Balidoogle ku xaraysnaa, maanta banaankay idiin joogaan dhiigooda Ilaahay ugu dhawaada, hubka iyo gaadiidka ay haystaana waa qaniimo Ilaahay idiin keenay ee ka qaata”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Cadawga murtadiinta ah waxaan leenahay, been bay gaaladii idin soo dirsatay idiin sheegtay, diyaarad wado banaan oo deex ama xeeb ah idinsoo marisay, duur cidla ah idin keentay inaysan idin difaacaynin waad ogtihiin, been buu idiin sheegay murtad Xassan Sheekh oo isagana gaaladu been usoo sheegtay”
Halkaan ka dhageyso kalmadda.