Cali Jeyte oo qiray in qaraakiil & Askar farabadan looga laayey dagaalkii ka dhacay degmada Galcad.

Saturday January 21, 2023 - 09:21:34
MeMO Staff
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in askar iyo saraakiil badan looga laayey dagaalkii shalay ka dhacay dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Wuxuuna si gaar ah usoo hadal Xassan Tuurre oo ahaa taliya ku xigeenka maleeshiyaatka uu tababaray Maraykanka ee loogu yeero Danab, sidoo kalana ahaa abaanduulahii horkacayey askartaas.

"Waxaa halkaas ku baxay saraakiil badan oo saaxiibadey ahaa iyo askar fara badan, waxaan ka xusuustaa rag lagu kala magcaabo Caydaruus, Ducaale iyo habalkaa Baaruud". ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuuna isagoo hadalkiisa sii wata soo hadal qaaday in mudooyinkii dabe Al-Shabaab ay laynayeen saraakiisho wax galka ah, wuxuuna magacaabay korneyl Abshir Maxmuud Maxamed (Shataqeey).

Tan iyo shalay waxaa warnaahinta isa soo taraya madaxda DF oo si aan kala joogsi lahayn uga tacsiyeynaya madaxya wayntii looga dilay dagaalkii sjalay ka dhacay dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Related Items

Update cookies preferences