Qarax ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar&saraakiil oo Maxaas ka dhacay.

Wednesday January 25, 2023 - 13:17:14
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax markale ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay gaari nuuca raaxada ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan maleeshiyaadka dowladda.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay sarkaal lagu magacaabi jiray Max'med Ibraahim Nuur waxaana ku dhaawacmay saraakiil sarsare.

illaa iyo 6 sarkaal ayaa la xaqiijiyay in ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxa waxaana kamid ah Cabdullaahi Axmed Hagar,Shariif Max'med Xasan iyo Max'med Muuse Fiidoow.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxan ka dhacay degmada Maxaas iyo weerar hoobiyaal loo adeegsaday oo shalay lagu qaaday saldhigyo kuyaal gudaha degmada.

Related Items

Update cookies preferences