Waxaa cirka iskusii shareertay dhiillada colaadeed ee udhaxaysa dowladaha Ruwanda iyo Koongarada Dimuquraadiga ah kadib markii diyaarad melleteri dhulka lasoo dhigay.
Wasaaradda difaaca xukuumadda Kigali ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciidankeeda difaaca cirka ay dhulka soo dhigeen diyaarad nuuca dagaalka ah oo kusoo xadgudubtay hawada Ruwanda.
Sida warka lagu sheegay diyaaradda ayaa xilligii lasoo ridayay dul heehaabaysay magaalad Gisenyi ee dhanka Ruwanda waxayna kasoo kicitintay magaalada Goma ee Gongo DR.
Labada dowladood ayaa qarka usaaran in ay dagaallamaan balse waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa waddo dadaallo lagu heshiisiinayo Kigali iyo Kinshaasa.