R/wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqa joojin ku sameeyay taliyihii ugu sarreeyay booliska dowladda islamarkaana kamid ahaa nidaamkii Farmaajo.
Maxamed Xasan Xijaar ayaa la eryay waxaana lagu bedelay Jeneraal Sulub Axmad Firin, war kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha ayaa lagu sheegay in golaha wasiirradu ay meel mariyeen magacaabista taliyaha cusub iyo shaqa ka joojinta taliyihii hore.
Sababta shaqada looga eryay Jeneraal Xijaar ayaa loo sababaynayaa weeraradii isbuucan gudihiisa ka dhacay xarunta gobolka Banaadir waxaana weeraradaas ku dhintay sodomeeyo ruux.