Waxaa magaalada Muqdisho lagusoo gaba gabeeyay shir ay maalgelisay dowladda Mareykanka balse ay qaban qaabadiisa laheyd dowladda Federaalka.
Shirkan waxaa laysugu keenay,dumar,siyaasiyiin,saraakiil qaabilsan ladagaallanka waxa loogu yeero 'Argagaxisada' iyo wadaado xumayaal inta badan diyaarado looga keenay dalka dibaddiisa.
Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ah wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa gaba gabadii shirka ka sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu maalgeliyay shirka islamarkaana uu codsaday in lagasoo saaro Fatwo sharci ka dhigaysa duullaanka ka dhanka ah wilaayaatka Islaamiga ah.
Bayaankii khitaamiga ah ee shirka ayaa lagasoo saaray wax fatwo loo ekaysiiyay oo sharci looga dhigayo duullaanka ciidamada shisheeye ay kusoo qaadeen dalka Soomaaliya.
Kumanaan dhalinyaro ah oo baraha bulshada uga warceliyay go'aamada kasoobaxay shirkan ayaa ku jeesjeesay waxayna ku tilmaameen wadaada xumayaal u adeegaya shisheeyaha islamarkaana ka been sheegay diinta Islaamka.
Ma ahan markii ugu horraysay ee DF-ka ay wadaada xumayaal ku shiriso dalba balse shirkan ayaa ahaa midkii ugu liitay oo waxaa lasoo fadhiisay dumarka aan xijaabneyn, siyaasiyiin iyo ganacsato ka baayac mushtara maandooriyaha kuwaas oo shaar culimo loo geliyay