Xildhibaan deegaan Deegaan oo Bardaale lagu dilay iyo weerar ka dhacay Waajid.

Thursday January 26, 2023 - 19:37:54
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.
Xoogag jihaadi ah ayaa weerar ay ka fuliyeen gobolka Baay ku dilay Isxaaq Cabdoow oo kamid ahaa xildhibaannada deegaanka degmada Bardaale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga dilka geystay ay xildhibaanka ka furteen qori uu watay.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigga ciidanka Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin garoonka garoonka diyaaradaha degmada Waajid balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Related Items

Update cookies preferences