7 qof Yahuud ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Waqooyiga magaalada Qudus.

Saturday January 28, 2023 - 08:31:49
MeMO Staff
Khasaara lixaad leh ayaa Yahuudda Sahyuuniyadda kasoo gaaray weerar kaligii duulnimo oo halyeey muslim ah uu ka fuliyay magaalada Qudus ee dhulka Falasdiin.
Booliska Yahuudda ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in dagaalyahan ku hubeysnaa Bastoolad uu weerar ku qaaday dad yahuud ah xilli ay ku sugnaayeen waqooyiga magaalada Qudus.

Ugu yaraan 7 qof Yahuud ah ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen halka 10 kale ay dhaawacyo soo gaareen, halyeeyga muslimka ah ee weerarkan fuliyay waxaa lagu magacaabaa Kheyri Calqam oo 21 sana jir ahaa.

Dhammaam kooxaha muqaawamada Falasdiin ayaa bogaadiyay weerarkan oo ay ku sifeeyeen mid loogu aargudayay xasuuqii ay ciidamada Yahuudda ka geysteen magaalada Jiniin Khamiistii lasoo dhaafay.

Tobanaan kun oo shacab falasdiiniyiin ah ayaa iskusoo baxyo lagu bogaadinayo weerarkan kaligii duulnimo ka wado magaalada Qaza iyo deegaannada Daanta Galbeed.

Related Items

Update cookies preferences