Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Xarardheere ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaas ku dhaxmaray maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Danab loo yaqaan iyo ciidamada wilaayada Islaamiga ah.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaallada oo saacado badan qaatay lagu dilay askar iyo saraakiil katirsan ciidanka dowladda, sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Guuleed Dhaashane ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawac culus soo gaaray.
Maleeshiyaadka Danab ayaa illaa 2 jeer lagu jebiyay dagaallada waxayna ku guuldarreysteen in ay gaareen dhowr deegaan oo ay duullaan ku qaadeen.
Dhinaca kale dagaal maalin ka hor ka dhacay deegaanka Baraag Ismaaciil ee duleedka Xarardheere waxaa lagu dilay illaa 6 askari oo katirsan maleeshiyaadka Danab.
Saciid Xasan Dhoore oo ahaa saraal ciidan ayaa kamid ah kuwa lagu dilay dagaallada halka lagu dhaawacay 18 askari sida uu xaqiijiyay Sheekh Xasan Abuu Xamza oo ah waaliga wilaayada Mudug.