Mucaaradka Jabuuti oo Sheegay in kulan ay Qabsan Lahaayeen Laga Hor Istaagay.

Sunday January 29, 2023 - 13:48:05
MeMO Staff
Bisha February ee sanadkan, ayaa lagu wadaa in doorashada baarlamaanka ay ka dhacdo dalka Jabuuti.
Xisbi kamid ah kuwa mucaaradka oo lagu magacaabo MRD, ayaa waxa uu sheegay in Jimcihii laga horjoogsaday kulan ay ku qabsanayeen guri ku yaalla xaafadda Balbala ee caasimadda Jabuuti.

Mucaaradka Jabuuti ayaa intooda badan qaadacay doorashada baarlamaanka iyo tii ka horreysay ee 2021-kii.

Doorashadani ayaa waxaa ku guulaystay Ismaaciil Cumar Geelle, oo in muddo ah haya xilka madaxweynenimada dalka Jabuuti.

Related Items

Update cookies preferences