Xoogag Jihaadi ah oo weerar hubaysan ka fuliyay duleedka Boosaaso.

Monday January 30, 2023 - 13:22:35
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar hor leh lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka 'Puntland'.
Xoogag hubaysan oo katirsan jihaadiyiinta Al Shabaab ayaa xalay weeraray saldhig ciidan oo kuyaal deegaanka Kalabeyrka oo qiyaastii 60Km ujira magaalada dekadda leh ee Boosaaso.

Dad ku sugan gobolka Bari ayaa sheegay in iska hor'imaad culus uu labada dhinac ku dhaxmaray deegaanka Kalabeyrka.

Idaacadda Andalus ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhaawacmeen illaa 8 askari oo katirsan ciidanka PL kuwaas oo 4 kamid ah ay xaaladoodu aad uliidato.

Related Items

Update cookies preferences