In ka badan 50 qof oo lagu diley deegaanka Wollega ee Itoobiya.

Thursday February 16, 2023 - 08:39:37
MeMO Staff
Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintey bariga deegaanka Wollega sida lagu soo warramayo, taas oo dowladda Itoobiya ay ku eedeysay jabhadda Oromada ee OLF. Warbixin ka soo baxdey dhanka dowladda ayaa sheegtay in dad barakacayaal ah ay jabhadda OLF ku dishay deegaanka Wollega kuwaas oo ay ku jireen dumar iyo carruur.
Waxa sidoo kale warbixintu sheegtay in 8 kamid ah dad looga shakiyey in ay xiriir la leeyihiin jabhadda OLF ay ciidanka dowladdu khaarajiyeen. Xukuumadda Itoobiya ayaa caddaysay in 42 qof oo kamid ah dadka nafwaayey ay ahaayeen barakacayaal isla markaana afar kamid ahi ay yihiin dumar 3 kalena carruur.
 
Dhanka kale afhayeenka OLF Odaa Tabii oo warfidiyeenka la hadley ayaa xaqiijiyey in jabhaddoodu ay weerarka geysatey balse waxa uu beeniyey in dadka ay beegsadeen ay ahaayeen barakacayaal, halka uu sheegay in ay bartilmaameedsadeen kooxo Amxaaro ah oo ku tababaraney kaamka barakacayaasha.

Waxa xoguhu intaa ku darayaan in dhibbaneyaasha uu kamid yahay guddoomiyihii gobolka iyo wadihiisii. Itoobiya ayaa ah waddan aaney fawdada iyo fadqalalladu ka dhammaan taas oo ay ugu wacan tahay in ay tahay waddan la isku kabkabey oo aan diin iyo dhaqan midna ka dhaxeyn.

Related Items

Update cookies preferences