Tirada dhimashada ee dhulgariirkii Turkiga iyo Suuriya oo kor u dhaafey 40kun.

Thursday February 16, 2023 - 08:45:16
MeMO Staff
Wararka laga helayo tirada dadkii ku dhintey dhulgariirkii ku dhuftey Koonfurta Turkiga iyo Waqooyiga Suuriya ayaa gaarey 41,000 oo qof inta la og yahay. Dhulgariirkan ayaa ku dhuftey waddamadan 6-dii February, 2023 taas oo laga joogo muddo sagaal maalmood ah. Dalka Turkiga ayaa lagu qiyaasey dadka ku naf waayey in ay gaarayaan 35,418 qof halka dalka Suuriya ay tiradu intaa aad uga yar tahay isla markaana lagu qiyaasey 5,801 qof dhaawacuna uu gaarayo 7396 qof.
Waxa weli socda baaritaanka dadka ku hoos jira guryaha burbursan inkasta oo la sheegayo in meelaha qaar uu soo dhammaadey baatitaanku. Wasiirka Deegaanka ee dalka Turkiga Muraad Kooram ayaa sheegay in 50,000 oo kamid ah dhismeyaasha ay tahay in dib loo burburiyo kuwaas oo ay waxyeello ka soo gaartey dhulgariirka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga Suleiman Soylu ayaa isna dhankiisa sheegay in dhismayaasha ku yaalla deegaanka Haataay ay 50% waxyeello ka soo gaartey dhulgariirta isaga oo intaa ku darey in 40% kamid ah qiimeyn lagu sameeyay, inta harsan ee duminta aqbashana la dumin doono.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Agaasimaha Guud ee ‘Hay’adda Caafimaadka Adduunku’ uu ka codsadey nidaamka Bashaar Al Asad in uu furo marinnada qaar si gargaar loo gaarsiiyo dadka dhibaatadu haleeshay ee u dhashey Suuriya.

Related Items

Update cookies preferences