Taliska ciidanka Al Shabaab ayaa kasoo saaray weeraradii culsaa ee saaka ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni duleedka magaalada Kismaayo.
Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo ah afhayeenka ciidamada ayaa sheegay in ay dagaalyahannadoodu la wareegeen gacan ku haynta laba saldhig oo kuyaal deegaanka Baarka.
"Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Khamiis ah hawlgallo milatari ka fuliyeen saldhigyada cadawga ee deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka degmada Kismaayo ee Wilaayada Jubbooyinka" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska.
Weerarkan oo ahaa mid aad uculus ayaa lagu dilay ku dhowaad 40 askari halka tobanaan kale ay dhaawacyo kasoo gaareen "36 askari ayaa lagu dilay weerarkii saakay ka dhacay shaldhigyada ridada ee Baar Sanguuni, 15 kalena waa lagu dhaawacay" ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Xarakada Al Shabaab.

"Ciidamada Mujaahidiinta ayaa Allaah fadligiis si dhamaystiran gacanta ugu dhigay labadii saldhig ee ay weerareen, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo cadawga soo gaaray, sidoo kale waxaa jira hub iyo saanad ciidan oo laga qaniimaysta" ayaa lasii raaciyay bayaanka.
Dhanka kale dagaalyahannada Al Shabaab ayaa kamiin u dhigay maleeshiyaad gurmad ahaa oo kasoo dhaqaaqay saldhigga deegaanka Buula-guduud ee ku dhow Sanguuni, ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaara lixaad leh uu gaaray ciidamada gurmadka ah.