Muuse Biixi oo markale ka hadley xaaladda Laascaanood kuna baaqey wadahadal.

Friday February 17, 2023 - 10:50:31
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha maamulka la baxey Somaliland ayaa markale maanta ka hadley xaaladda colaadeed ee ka taagan Laascaanood. Korneyl Biixi ayaa ku celceliyey sida ay uga go'an tahay in colaadda Laascaanood wada hadal loogu soo dabbaalo.
Waxa aanu sheegay in ciidankiisu marwalba ay yihiin kuwa difaaca ku jira ee aaney duullaan ahayn. "In ay reer Laascaanood naga adkaadaan baa ka fiican inaan isku baaba’no” ayuu yiri Kornaylku. Sidoo kale waxa uu tibaaxey in uu gole dhaqan ama cuqaal u dirayo Laascaanood, goobta wadahadalkuna ay noqon doonto degmada Yagoori.

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Saleebaan Koore oo ka soo jeeda deegaammadaas ayaa isna dhankiisa caddeeyay in aanu garaneyn reer SSC meel uga wanaagsan maamulka Somaliland.

Dhanka kale Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamida bahda dhaqanka ee SSC ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan tahay wadahadallada uu Muuse Biixi sheegay inay ka dhici doonaan deegaanka Yagoori ee u dhexeeya isimada dhaqan Somaliland iyo garaadada SSC. Garaadka ayaa Kornayl Biixi ku eedeeyay in uu yahay mid ballanfur badan.

Related Items

Update cookies preferences