Ganacsade Maxamed Jabbuutaawi oo kamid ah ganacsatada reer SSC ayaa ugu baaqey maamulka Somaliland in ay uga baxaan deegaankooda.
Ganacsadahan oo muddo dheer xiriir la lahaa maamulka Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay caddaalad darro ka tirsanayey maamulka Muuse Biixi.
Maxamed Jabbuutaawi ayaa leh shirkado koronto isla markaana qaatka keena gobollada SSC. Markii Xasan Gurguurte uu fasaxay jaadka Miirooga ah ayaa Muuse Biixi rag ganacsato kula heshiiyey inay ka dejiyaan jaadka magaalada Laascaanood taas oo u cuntami weyday ganacsade Jabbuutaawi. Siyaasi Cabdi Xaashi oo ah Guddoomiya Aqalka Sare ee DF ayaa isna kamid ahaa raggii damacu kaga jirey qoondada jaadka Miirooga ah ee Gurguurte fasaxey in laga dejiyo gobollada waqooyiga qaar kamid ah.
Maxamed Jabbuutaawi ayaa Muuse Biixi ku dhaliilay in uu yahay nin ganacsade ah oo aan u qalmin madaxweyne, waxa kale oo uu sheegay in beeshiisu diyaar u tahay dagaal ay kala hortagto maamulka Somaliland. Dhanka kale waxa uu difaacey guddoomiyaha ciidanka deegaanka Cabdi Madoobe ee maalmihii la soo dhaafey maamulka Somaliland uu ku eedaynayey in uu kamid yahay waxa loogu yeero argagixisada. "Cabdi Madoobe waa Ismaaciil Mire hadduu doonana waa Cali Dhuux” ayaa kamid ahaa hadalka ganacsadaha.
Ugu dambayn wuxu ganacsaduhu culimada reer waqooyi ku boorriyey in ay wixii Ilaahay barey si daacadnimo ku dheehan tahay dadka ugu sheegaan.