Taliyihii guutada 28aad ee ciidanka dowladda oo Beledxaawo lagu dilay.

Saturday February 18, 2023 - 11:06:06
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo degaanno katirsan gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.
Howlgal qorshaysan oo xoogag jaahaadi ah ay ka fuliyeen degmada Belexaawo ee xuduud beenaadka Kenya saaran ayay ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada dowladda.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay Max'med Aweys oo ahaa taliyihii guutada 28aad ee ciidamada dowladda.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaggii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga baxsadeen, dhinaca kale weerar xoogan oo ka dhacay deegaanka Yurkut ayaa lagu dilay sarkaal ciidan.

Sida ay wararku sheegayaan Jacfar Sheekh Isxaaq Xasan oo ahaa sarkaal ciidan ayaa lagu dilay weerarka oo ka dhacay meel ku dhow saldhigga ciidanka Xabashida Itoobiya ee Yurkut.

Related Items

Update cookies preferences