Shirkii 36aad ee madaxda Midowga Afrika oo Addis Ababa ka furmay.

Saturday February 18, 2023 - 12:04:47
Liibaan Jeexoow
Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya waxaa ka furmay shirkii sanadlaha ahaa ee Ururka Midowga Afrika kaasi oo ay isugu yimideen intabadan hoggaamiyaasha dowladaha qaaradda.
Shirkan oo ah midkii 36aad waxaa shir guddoominaya madaxweynaha dowladda Senegal ninka lagu magacaabo Macky Sall.

Hoggaamiyaasha Afrikaanta ayaa kawada hadlaya sidii loo dedejin lahaa dhisidda iyo howlgelinta Ururka ganacsiga qaaradda Afrika kaasi oo 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay ku taamayeen madaxda ururka midowga Afrika.

Related Items

Update cookies preferences