Xinjira dhiig ah ayaa markale ku daatay gudaha dalka Mareykanka kadib toogasho uu geystay ruux hubaysan iyadoona Joe Biden uu qeylladhaan afka furtay.
Wararka ka imaanaya gobolka Mississippi ayaa sheegaya in toogasho hubaysan ay ku dhinteen ugu yaraan 6 ruux halka tira kale ay dhaawacyo soo gaareen.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ruux ku hubaysan qori boobe ah uu illaa 4 goob ku toogtay dad shacab ah balse markii dambe booliska ayaa ku qabtay degmada Arcapotla.
Dhinaca kale madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhaleeceeyay weerarkan oo uu ku sifeeyay halis weyn, wuxuu sheegay in 48 saacadood gudahood ay shacabka Mareykanka lakulmeen illaa 73 toogasho billaawga sanaddan 2023.
Biden oo caraysan ayaa yiri "hadallo iyo duco aan jeedinno ma ahan wax nagu filan halista hubka waa daacuun waa in ay dhaqaaqaan golaha Koongareeska" ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka.
Dalka Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ugu ammaanka xun caalamka waxaana si joogta ah uga dhaca dilal qorshaysan, kufsi iyo falal burcadnimo.