Al Shabaab oo Askar ku dilay deegaanka Ceel Cali Axmed.

Saturday February 18, 2023 - 12:37:35
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar cusub oo maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.
Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel Cali Axmed ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al Shabaab ay weerar jidgal ah udhigeen maleeshiyaad katirsan dowladda.

Ugu yaraan 2 askari ayaa laxaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka, dagaalyahannada Al Shabaab ayaa  gacanta ku dhigay 1 qori PKM ah oo ay wateen ciidamada dowladda.

Deegaanka Ceel Cali Axmed ayaa dhaca sedax xagal xuduudeedka ay wadaagaan gobollada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Galgaduud.

Related Items

Update cookies preferences