Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad khasaara dhaliyay oo maleeshiyaad kawada tirsan Dowladda Federaalka ku dhaxmaray mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.
Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen iska hor'imaadka oo ka dhacay inta udhaxaysa isgoysyada Siinaay iyo Xararyaalle ee degmada Wardhiigleey.
Iska hor'imaadka ayaa yimid kadib markii ay maleeshiyaadka Nabad sugidda ee daacadda u ah Mahad Salaad ay weerareen sarkaal katirsan ciidanka melleteriga kaasi oo lagu magacaabo Qataatoow.
Dadka ku waxyeeloobay iska hor'imaadka dhaxmaray maleeshiyaadka dowladda waxaa kamid ah dumar ku ganacsanayay wadada hareeraheeda.