Degnaan dib ugusoo laabatay magaalada Laascaanood iyo Odayaasha dhaqanka oo aan Muuse ujwaabin.

Sunday February 19, 2023 - 07:11:03
Liibaan Jeexoow
Xaalad deganaan ah oo aan caga badan ku taagnayn ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Wararka ka imaanaya Laascaanood ayaa sheegaya in ay yaraadeen xaddiga iska hor'imaadyadii udhaxeeyay ciidamada maamulka 'Somaliland' iyo xoogaga deegaanka ee SS loo yaqaan.

Kumanaan qoys ayaa weli isaga barakacaya magaalada Laascaanood waxayna ka cabsi qabaan in maamulka Muuse Biixi uu sare usii qaado adeegsiga madaafiicda goobta ee uu ku garaacayo xaafadaha magaalada.

Salaadiinta beelaha gobolka Sool ayaan illaa iyo hadda aqbalin ama diidin baaqii kasoo yeeray maamulka 'Somaliland' ee ahaa in ay xal ka gaaridda colaadda Sool ay umari doonaan dhanka odayaasha dhaqanka isagoo iska indha tiray in mushkiladdu ay tahay mid siyaasadeed.

Related Items

Update cookies preferences