Saraakiil ciidan oo yaab leh loogu dilay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

Sunday February 19, 2023 - 07:24:04
MeMO Staff
Qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaa ka socda beegsi daran oo lagu hayo saraakiisha sarsare ee ciidamada dowladda qeybahooda kala duwan.
Toogasho xalay fiidkii ka dhacday degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada booliska kaasi oo lagu magacaabi jiray  Ibraahim Guure islamarkaana darajadiisa ciidan ay aheyd Korneyl.

Sarkaalkan ayaa kamid ahaa kuwii hurinayay duullaankii Shareeca ladirirka ahaa ee lagu qaaday wilaayada Islaamiga Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya dhacda.

Weerar kale oo ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay sedax Xidigle Bila cardoof Colaad Caad.

Dhammaan mas'uuliyadda weeraradan waxaa sheegtay Al Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.

Related Items

Update cookies preferences