Diyaaradaha Yahuudda oo duqeymo 15 qof ay ku dhinteen ka fuliyay caasimadda dalka Suuriya.

Sunday February 19, 2023 - 07:36:58
MeMO Staff
Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ee dhaca mabdiqadda Shaam ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Yahuudda ay duqeymo khasaara badan dhaliyay ka geysteen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.
Wakaaladda wararka SANA ee afka nidaamka Suuriya ku hadasha ayaa sheegtay in diyaaradaha Sahyuuniyadda ay xalay saqdii dhexe sawaariikh ku beegsadeen dhowr xaafadood oo katirsan Dimishiq.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta usheegay in duqeymaha ugu daran ay beegsadeen xaafadda Kafra Sosah ee dhacda Koonfur Galbeed ee magaalada Dimishiq halkaas oo ay deganyihiin dadka ladan ee ku dhow Bishaar Al-asad islamarkaana ay ku yaallaan saldhigyo sirdoon iyo kuwa ciidan.

Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyay in ay duqeymahan ku dhinteen waxaana dadka ay Yahuuddu dishay kamid ah 2 dumar ah, illaa hadda wax war ah oo rasmi ah kamasoo bixin nidaamka Bishaar Al Asad iyo maleeshiyaadka shiicada Iiraan ee maamula Dimishiq.

Related Items

Update cookies preferences