Xasan Gurguurte oo R/wasaaraha Itoobiya ku cataabay codsi cusubna udiray [Warbixin].

Sunday February 19, 2023 - 07:52:43
MeMO Staff
Kadib markii ay maleeshiyaadkiisu dharbaaxooyin melleteri oo isdaba joog ah ay kala kulmeen furimaha dagaalka ayuu Xasan Gurguurte billaabay in uu uqeylla dhaansado dowladda Xabashida Itoobiya.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Addi Ababa kula kulmay Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha Itoobiya, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Villa Somalia Xasan Gurguurte ayaa Itoobiya ka codsaday in ay ka gacansiiso ladagaallanka Al Shabaab.

Kumanaan katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya oo ku sugan Soomaaliya ayaa maleeshiyaadka DF-ka  kala qeyb qaata duullanada ka dhan ah wilaayaatka Islaamiga ah balse ciidamadaas ayaa lagu qasbay in aysan ka bixin saldhigyada ay iskusoo oodeen.

Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay bishii May 2022 wuxuu billaabay in uu ciidamo shisheeye dalka soo geliyo isagoo doonaya in uu ku qabsado kheyraadka umadda soomaaliyeed.

Xarakada Jihaadiga ah ee Al Shabaab ayaa halgan kula jirta kumanaan ciidamo Itoobiyaan iyo Kenyaan ah waxaana sii dheer ciidamo ka socda dowladaha Burundi,Uganda iyo Jabuuti.

Shisheeyaha oo wax kabadan 15 sanadood dalka Soomaaliya duullaan ku jooga ayaa awoodi waayay in ay xaqiijiyaan ahdaaftii ay usoo dirsadeen dowladaha reergalbeedka oo ay kamid yihiin baab'inta awoodda jihaadiga ah.

Related Items

Update cookies preferences