Ku dhawaad 30 ka mid ah maleeshiyadii lagu soo tababaray Eritrea oo lagu dilay Kamiin ka dhacay Sh/dhexe [BAYAAN]

Sunday February 19, 2023 - 12:13:36
MeMO Staff
War Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Warfaafinta ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu faahfaahiyey weerar dhabagal ah oo maanta ka dhacay Shabeelaha dhexe kaas oo lala eegtay ciidankii dhawaan lagu soo tababaray Eritrea ee la geeyey furimaha dagaalka ee Sh/dhexe.
War Saxaafadeedka kuu qornaa luuqadda Soomaaliga ayaa lagu yiri: "Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Axad ah kamiin u dhigeen ciidamo murtadiin ah oo ku socdaalayay duleedka deegaanka Daaru-nicma ee Wilaayada Shabeellaha Dhexe. Ciidankaan oo kamid ahaa murtadiintiii dhawaan laga keenay wadanka Eritrea ayaa damacsanaa inay dhibaatooyin u geystaan dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan dhulka baadiyaha ah ku xeeran tuulada Daaru-nicma, balse waxaa dagaal kala hortegay ciidamada Mujaahidiinta oo la socday dhaqdhaqaaqooda"

War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri: "Mujaahidiintu waxay -Allaah fadligiis- jab lixaad leh u geysteen ciidamadii murtadiinta ahaa, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo cadawga soo gaaray. Sidoo kale waxaa jira hub iyo saanad ciidan oo laga qaniimaystay murtadiinta. Tirada dhimashada ciidamadaas ridada ah, inta aan ilaa hada xaqiijinay, waa 29 askari, kuwaas oo 6 kamid ah, oo uu ku jiro taliyihii hogaaminayay ciidankaas, ay maydadkooda goobta uga carareen, Mujaahidiintuna gacanta ku dhigeen"

Waxaa gabagabadii War Saxaafadeedka lagu yiri: "Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay u dagaallameysa dhawritaanka badqabka Ummadda Muslimka ah, hirgelinta Shareecada Islaamka iyo inay dhamaan dhulalka Muslimiinta ah ka xoreyso gaalada iyo murtadiinta dabadhilifka u ah. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay mar kale ku celinaysaa dalabkii ahaa in dadka Muslimiinta ah ay ka dheeraadaan saldhigyada, xarumaha iyo xafiisyada cadawgu ku leeyihiin degmooyinka iyo deegaanada ay xoogga uga haystaan ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah."

"Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ballan ku qaaddeysaa inay sii wadi doonto Jihaadka ka dhanka ah isbahaysiga caalamiga ah ee saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah ilaa ay geyiga Soomaaliyeed ka saareyso cadowga hororka ah ee ku soo duuley, iyo illaa diinta dhamaanteed ay Allaah keliya u sugnaaneyso."

Related Items

Update cookies preferences