Guddida beesha Garxajis ayaa go'aammo ka soo saartey colaadda maamulka Muuse Biixi ka wado xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.
Guddida oo maalmihii u dambeeyay shir uga socday magaalada Hargeysa ayaa maanta ku dhawaaqdey shan qodob oo ku aaddan colaadda sokeeye ee maamulku hurinayo iyo talo soo jeedin.
1: Beeshu waxa ay cambaareysay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee lagu laynayo shacabka aan waxba galabsan.
2:Beeshu waxa ay masuuliyadda waxa ka socda Laascaanood dusha ka saartey taliska Muuse Biixi oo raba in uu colaad sokeeye abuuro.
3: Beeshu waxay sheegtay in aaney ka qayb gelaynin ergada uu Muuse Biixi sheegayo iyaga oo ku sababeeyay in uu ballanfur badan yahay.
4: Beeshu waxay tacsi u dirtey dadkii waxyeelladu ka soo gaartey iyo qaraabadoodii intii colaaddu socotey
5: ugu dambeyn waxay beeshu sheegtay in mawqifkani yahay ka rasmiga ah ee beesha.
Marka laga yimaaddo qodobadaa waxa beeshu talo ahaan u soo jeedisay qodobbo kale oo ay kamid yihiin in ciidammada lakala fogeeyo lana geeyo meel aaney iska arki karin. In xabadda la joojiyo sidoo kalena la daayo hadallada xanafta leh ee hawada la isu marinayo. Dhanka kale garaaddada beesha Dhulbahante oo shir jaraa’id qabtey ayaa soo dhaweeyay go’aanka beesha kuna tilmaamey mid gobonnimo isla markaana ugu baaqey beelaha kale in ay qaataan mawqif kaas lamid ah.