Maamulka 'Somaliland' oo xoogaga SSC ku eedeeyay in ay wiiqeen heshiiskii Xabad joojinta.

Tuesday February 21, 2023 - 10:12:43
In dhaweydba waxa magaalada Laascaanood ka socday dagaallo u dhexeeya dadka deegaanka iyo maamulka la baxey Somaliland.
Saaka waaberigii waxaa dib uga bilowday magaalada dagaal culus oo maalmahan xaaladdu ka degganayd intii hore. Sida qaar kamida garaaddada Laascaanood sheegeen waxa magaalada weerarka ku bilaabey maamulka Somaliland ee duullaanka ku ah deegaanka.

Lama sheegin khasaare nafeed laakiin waxa la rumeysan yahay in khasaare maaliyadeed jiro maadaama madaafiicda ciidanka Muuse Biixi ay magaalada gudaha ugu dhacayaan.

Suldaan kamid ah salaadiinta Hargeysa isla markaana ah suldaanka beesha madaxweyne Biixi ayaa shaley sheegay in uu ergo ahaan ugu baxayo magaalada Laascaanood si nabadda loo xoojiyo. Suldaan Xasan iyo cuqaal dhaqan oo uu watey ayaa la sheegay in ay xaley u hoydeen magaalada Caynaba ee gobolka Sool.

Dhanka kale garaaddada SSC ayaa marar badan ku celceliyey in aaney nabaddu xirmi karin illaa maamulka Somaliland uu ka baxo deegaanka beesha.

 Muuse Biixi ayaa kooxaha mucaaridka ah kala hadley sidii wadar ahaan ay ugu xallin lahaayeen dhibta Laascaanood ka taagan, taa baddalkeeda waxa mucaaridku kala hadleen xilligii uu qaban lahaa doorashada.

Muuse iyo kooxaha mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid ayaa laftoodu aan isku waafaqsanayn xal ka gaaridda gobolka Sool. Mucaaridku waxa ay rabaan doorasho, Muusena wuxu rabaa in la xalliyo xaaladda Laascaanood iyagoo ciidammadiisu ku sugan yihiin isla markaana uu muddo kororsi sameeyo.


Related Items

Update cookies preferences