Deegaannada gobolka Bakool sanadkan waxay u aheyd sanad barwaaqo kadib markii ay si fiican uda'een roobabkii dayrta waloow meelaha qaar uu hadda jiilaal ka jiro.
Shacabka gobolka ku dhaqan ayaa sanadkan tacbaday dalagga Mesegada oo ay caan ku yihiin, waxaa soo idlaaday goosashada badarkii latacbay waxayna dadku xillugan isku diyaarinayaan xilli roobaadka Guga.
Si ka duwan sanadadii hore Darytii lasoo dhaafay ayay beeralaydu tacbadeen badarka keydka gala sida Meseggada iyo galayga waxayna sidaas uyeeleen iyagoo ka feejigan abaaraha soo noq noqda