Askar iyo Saraakiil lagu dilay Dayniile iyo Afgooye.

Sunday March 19, 2023 - 12:07:18
MeMO Staff
Dilal qorshaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Weerar qorsheysan oo dagaalyahanno katirsan Al Shabaab xalay ka fuliyeen xaafadda Gubta ee degmada Dayniile waxay ku dileen Macalin Tababare Boolis ah oo ka tirsanaa tababaraaysha  ciidanka dowladda kaasi oo lagu magacaabi jiray Saacid.

Dhanka degmada Afgooye weerar qorshaysan oo xoogag hubaysan ka fuliyeen waxay ku beegsadeen goob lagu isticmaalayay maandooriyaha Xashiish-ka, goob joogayaal ku sugan Afgooye ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay 3 askari oo kamid ahaa dadkii daroogada isticmaalayay.

Duleedka Muqdisho saaka dukashadii salaada Subax kadib dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday xarunta maamulka dowladda ee deegaanka Garasbaaley balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Related Items

Update cookies preferences