Weerar Askar badan lagu dilay oo ka dhacay deegaan katirsan Sh/dhexe.

Tuesday March 21, 2023 - 07:50:52
MeMO Staff
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in iska hor'imaad culus uu saaka ka dhacay deegaan hoos yimaad degmada Ruun Nirgood.
Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii weerar dhowr jiho ah ku qaaday tuulada Daaru Nicma halkaas oo ay saldhig ku lahaayeen maleeshiyaad dowladda katirsan.

War rasmi ah oo kaso baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkii Daaru Nicma lagu dilay ugu yaraan 20 askari halka 10 kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadka dowladda weerarkii Daaru Nicma looga gubay 2 gaari, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin DF-ka oo ku saabsan dagaalkii saaka ka dhacay Sh/dhexe.

Related Items

Update cookies preferences