Qarax Xoogan oo Khasaare dhaliyey oo kadhacay dagmada Janaale.

Wednesday March 22, 2023 - 09:47:53
MeMO Staff
Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/Hoose ayaa ku waramaya in Al-Shabaab ay qarax xoogan labeegsadeen askar ka tirsan DF kuwaas oo ku sugnaa dagmada Janaale.

Nuuca qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa lagu soo waramayaa in si gaar ah loola beegsaday askar lug ku socotay.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaas ciidamada DF uga dhintay 1 askari.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa mudooyinkaan dambe sii dar dar galinaya weerarada tooska ah iyo kuwa gaadmada ah oo ay ku waxyeeleynayaan askarta iyo saraakiisha DF.

Related Items

Update cookies preferences