Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay in dowladdiisu ay Xaraas jaban ku iibinayso Kalluunka iyo Shidaalka Soomaaliya!

Wednesday March 22, 2023 - 14:19:15
MeMO Staff
Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markiisi ugu horraysay qiray in xukuumaddiisu ay shirkado shisheeye ka iibinayso kheyraadka dabiiciga Soomaaliya.
Isagoo ka hor hadlayay qaar katirsan xildhibaannada baarlamaanka ayuu Xasan Gurguurtay xaqiijiyay jiritaanka warbixinno bilihii lasoo dhaafay lasoo dusinayay kuwaas oo ahaa in Villa Somalia ay shirkado shisheeye kula heshiisay in ay gurtaan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka sida Batroolka iyo Kalluunka badaha dhax ceegaaga.

”Batroolka waa la bixinaa, Kalluumeysiga waa la bixinaa, wixii kaloo aan leenahay waa la bixinaa, si aan u noolaano, Kalluunka ma iibsan karno laakiin waa tuugsan karnaa miyaa” ayuu yiri Xasan Sheekh oo umuuqday mid aan qarsanayn qorshayaashiisa gurrucan.

Tan iyo markii uu Xasan Sheekh talada lawareegay Bishi May ee sanaddii 2022 ayuu heshiisyo lagalay shirkado kaluumeysi oo lagala leeyahay dalka Shiiranaha kuwaas oo jaariif ba'an ku haya kheyraadka badda gunteea ku jira, sidoo kale wuxuu heshiisyo shidaal baaris ah lagalay shirkado laga leeyahay wadamada reergalbeedka.


Related Items

Update cookies preferences