Caalamka Islaamka oo si midnimo leh u soomay bisha Ramadaan.

Thursday March 23, 2023 - 10:17:07
MeMO Staff
Dhammaan dunida Muslimka ayaa maanta laga soomanyahay waana markii ugu horraysay oo si midnimo leh ay usoo mayaan muslimiinta daafaha caalamka ku dhaqan marka loo eego sanadadii lasoo dhaafay oo lakala soomayay.
Wadamo ay kamid yihiin Pakistan, Indonesia, Sacuudiga, Afghanistan iyo Masar ayaa looga dhawaaqay in Khamiista ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan sanadda 1444 Hijriya.

Sidoo kale Jaaliyadaha muslimiinta ee ku dhaqan wadamada Reergalbeedka ayaa iyana iclaamiyay in ay Soomanyihiin kadib markii la arkay bisha Barakeysan ee Ramadaan, Boqolaal Milyan oo muslimiin ah ayaa xalay bilaabay tukashada salaadda sunnada Taraawiixda ah.

Ramadaan ayaa ah bil barakeysan oo muslimiinta loogu dambi dhaafo naartana looga xoreeyo.

Related Items

Update cookies preferences