Weerar lagu dilay 4 Askari Itoobiyaan ah oo ka dhacay degmada Waajid.

Thursday March 23, 2023 - 13:58:40
MeMO Staff
Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa markale weerar culus ku qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin gobolka Bakool.
Wararka ka imaanaya degmada Waajid ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay xalay weerar qorshaysan ku mireen saldhigga ciidamada Itoobiya oo kuyaal agagaarka garoonka diyaaradaha degmadaasi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas culus oo ay is dhaafsanayeen ciidamada Itoobiya iyo xoogagga jihaadiga ah ee weerarka qaaday.

Ugu yaraan 4 askari Itoobiyaan ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkii xalay ka dhacay Waajid halka ay tiro kale dhaawacyo soo gaareen sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee Al Shabaab ay ku qaadaan mid kamida saldhigyada ciidamada Shisheeye saacado kadib markii ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil ay jihaadiyiintu sare uqaadaan weerarada jihaadiga ah ee ka dhanka ah ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka la shaqeeya.

Related Items

Update cookies preferences