Virus cusub oo 5 qof ku dilay dalka Tanzania.

Thursday March 23, 2023 - 23:39:03
MeMO Staff
Wasaaradda Caafimaadka Tanzania ayaa sheegtay in shan qof u dhinteen saddex kalena lala tacaalayo ka dib markii uu haleelay fayraska Marburg oo u eg cudurkii hore ee Ebola.
Wasiirka Cafimaadka Ummy Mwalimu ayaa sheegay in kaysaskan cusub laga diwaangeliyey galbeedka waddanka gaar ahaan gobolka Kagera.

Wuxu intaa ku daray in xukuumaddu ay xakamayn ku samaysay sidii aanu u fidi lahayn cudurku. Sidii Ebola oo kale ayaa la sheegay in cudurkani uu ka yimi shimbirta fiidmeerta isla markaana uu aad ugu dhex faafayo dadka. Cudurkan ayaa lagu kala qaadayaa taabashada qofku taabto oogada qofka kale ee cudurkani hayo oo leh dareere/diif IWM.

Ka hortag la’aan cudurka ayaa saamayn kara badi bulshada. Virus-kan ayaa marar hore kaysas dhif ah laga diwaangeliyey wadamada Angola, Congo, South Africa, Ghana iyo waddamo kale. Waxa se immika la rumaysan yahay in dalalka Kenya iyo Uganda ay khatar ugu jiraan cudurkan.

Dhanka kale kuwa loogu yeero Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ku hambalyeeyay dowladda Tanzania sida degdegga ah ee ay uga hortagtey cudurkan Ebolaha la jaadka ah ee Margburg.

Related Items

Update cookies preferences