Xilli uu waqtigu gabaabsi kasii yahay ayay soo duulayaasha Afrikaanta ee ku sugan dalka Soomaaliya ka cabanayaan mushaar la'aan baahsan.
Ciidamada shisheeye ee ATMIS ayaa codsadey lacag dhan 90 milyan oo doollar si ay u sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Alshabaab iyo taageerada ay siiyaan maleeshiyaadka DF Soomaaliya.
Ambassador Bankole Odeoye oo ah sarkaal arrimaha siyaasadda iyo amniga u qaabilsan Ururka Midowga Afrika ayaa warfidiyeenka u sheegay in inka badan 19,600 oo askari aaney si habsami leh u sii shaqayn karin haddaan la buuxin baahida maaliyadeed ee ku horgudban shaqada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya. Sannad ka hor ayaa guddida amniga ee ‘Qaramada Midoobey’ ay ansixiyeen guluf cusub oo ay ugu magac dareen ATMIS kaas oo wakhtiga loogu kordhiyey ciidamadii AMISOM islamarkaana magacii hore laga bedelay illaa dhammaadka sannadka 2024.
"Haddii aanu ururka Midowga Afriku helin lacagaha lagu hawl galayo inta ka horraysa 21-ka bilood ee soo socda taas macnaheedu waxay ka dhigantahay Alshabaab ayaa la wareegi doonta mas’uuliyadda Soomaaliya oo dhan” Ayuu yiri Ambassador Odeoye.
Hadalkan ka soo yeeray ciidamada shisheeye ee ATMIS ayaa u muuqda in joogitaankooda waddanku aanu cago badan ku taagnayn iyaga oo laga yaabo in ay isaga hulleelaan Soomaaliya intaan la gaarin 2024.
Dowladaha Reergalbeedka gaar ahaan Yurub iyo Mareykanka oo jeebkoodu sii maranayo sababa laxiriira dagaalka Yukreyn ayaa larumeysanyahay in uu saameyn ku yeeshay maalgelintii ay ku hayeen ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Ciidamada AMOSOM/ATMIS ayaa 15 sanadood oo xiriir ah duullaan ku jooga dalka Soomaaliya waxayna weeraro laayaan ah kala kulmayaan xoogaga Jihaadiga ah ee Al Shabaab.